Diyaarado Duqeeyey Saldhigyo Ay Lahaayeen Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Laamaha amniga Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in diyaaradaha Mareykanka ee caawiya Soomaaliya ay duqeeyeen Saldhigyo Jubbada Hoose ku leeyihiin Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in saldhigyada la duqeeyey ay ka mid yihiin kuwo Al-Shabaab ku leeyihiin hareeraha Buundada Araare ee Gobolka Jubbbada Hoose.

Waxa uu sheegay in duqeyntaas ay barbar socdeen dagaalo dhinaca dhulka ah lagu qaaday,iyada oo laga jawaabayey dagaalkii shalay waaberigii hore Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Baar Sanguuni.

Waxaan weeydiinay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas,waxana uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaano,isla markaana wixii ka soo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Marka laga soo tago duqeynta diyaaradaha Mareykanka shalay gelinkii dambe ka geysteen deegaano ka tirsan Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta degan xaalada Baar Sanguuni oo shalay weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen Al-Shabaab.