Diyaarado Duqeyn ka Geystay Deegaano katirsan Gobolka Gedo

Maamulka deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey warar sheegaya in Ciidamada Kenya la filayo inay ka baxaan deegaankaas iyo duqeymo loo geystay Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin tuulooyin  hoostaga deegaanka Buusaar.

Guddoomiyaha deegaanka Buusaar Aadan Cusmaan oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Buusaar.

Waxa uu sheegay in duqeyntaas Shabaab Xubno badan looga dilay,hayeeshee khasaaraha rasmiga ah ay dib ka faah faahin doonaan,waxaana uu sheegay in Maamulkooda ay qorsheynayaan inay ka hor tagaan tallaabo kasta ay qaadaan Ururka Shabaab.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland ay u gudbiyeen cabasho ku aadan ka bixitaanka Ciidanka Kenya,isla markaana aysan ku filneyn Amniga deegaanka buusaar iyo tuulooynka u dhow dhow.