Diyaarado Duqeyn kageystay Gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay markale ka dhacday deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug,taas oo lala beegsaday Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Deegaanka Duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Miiroon,waxaana uu  u dhaxeeyaa deegaanka Caad Iyo Dagmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.

Dad ku sugan deegaanka la duqeeyay,isla markaana diiday in sababa Amni Magacooda iyo codkooda loo adeegsado ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta lala beegsaday Saldhig ay lahaayeen Al-Shabaab,hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale Shalay Gelinkii dambe ayaa waxa ay duqeyn kale ka dhacday deegaan lagu Magacaabo  Cadaley,waxaana Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ay sheegeen in la duqeeyay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan,isla markaana  duqeyntaas khasaaro lagu gaarsiiyay.

Dad ku sugan gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegeen in  weli diyaarado dagaal lagu arkayo Deeganada Caad Caamara Iyo Ceel Huur,kuwaas oo hawada sare heehaabaya,isla markaana ay cabsi soo wajahday.