Diyaarado oo warqado digniin ah ku daadiyay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan Shabaab waxa ay maanta ku daadiyeen warqado digniin ah oo ku socota dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay warbaahinta  u sheegeen inay arkeIen Diyaarado dagaal oo dul heehaabaya degaano labadan gobol ka kala tirsan.

Tuulooyinka ay Diyaaradahan dagaal warqadaha ku daadiyeen ayaa waxaa ka mid ah tuulada Basra oo dhawr iyo Toban KM dhinaca Galbeed ka xigta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Basra ayaa waxa ay waxa ay ka mid tahay goobaha ay maamulaan Ururka Al Shabaab, warqadaha ay Diyaaradahan daadiyeen ayaa waxa ay shacabka uga digayaan inay ka akdhawaadaan goobaha ay Shabaab ku sugan yihiin.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaanadan ayaa waxa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi ku aadan in diyaaradahan ay duqeyn geystaan, xilli aanan laga warqabin.

Si arrintan aan wax badan uga ogaano waxaanu xiriir la sameynay masuuliyiinta Hirshabeelle, balse waxay ka jawaabi waayeen wicitaanadeena.