Magaalada Garoowe waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay wadaan xubnaha musharrixiinta ah ee isu diiwaangeliyay u tartamidda Xilalka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland iyo ku xigeenkiisa oo la dooran doonno 8da Janaayo 2024 oo berri ku beegan.
Saacadihii u dambeeyay Magaalada Garoowe waxaa ka socday kulamo aan dhammaad lahayn oo ay samaynayeen xubnaha xildoonka ah iyo kala xod-xodashada Xildhibaannada codaynaya si musharrax weliba uu ugu sii tashto codkiisa marka la gaaro waqtiga Doorashada.
Musharrixiinta qaar ayaa go’aansaday in ay isaga haraan tartanka balse codadka ay heli karaan ayay raadinayaan musharrax kale oo ay kula gorgortami karaan si haddii uu ku guulaysto Madaxweynaha ama ku xigeenkiisa uu saami muuqda u siiyo.
Madaxweynaha Damacsan in uu dib ugu soo noqday xafiiska waa Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kamid noqday musharrixiinta loogu xafladaynayo Magaalada Garoowe iyada oo xubno xilal kala duwan soo qabtay ay billaabeen in ay codka u raadinayaan.
Guddiga Doorashada Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa qudhiisa wada diyaargarow xooggan oo ku saabsan qaabka uu ugu talagalay in lagu wajaho doorashadaas lagu kala saarayo musharrixiinta badan ee dhammaantood xildoonka wada ah.
Hay’adaha Amniga Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay xoojiyeen amniga Magaalada Garoowe waxaana la dhaqangeliyay awaamiirtii dhowaan la duldhigay shaqsiyaadka haysta hubka & Ciidanka in ay raacaan habraaca lagu ilaalinayo nabadgalyada.
Musharrixiinta u taagan Xilalka Madaxweynaha & Ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa maanta jeedinaya Khudbadaha ay ku muujinayaan waxqabadka lagu dooran karo si ay ugu dambayn Xildhibaannada Golaha Wakiillada u waydiistaan codkooda.