Dolwada Somaaliya Oo Ciidamo udiyaarineysa Xeebaha Dalak

Kullan looga hadlayey sidii loo heli lahaa CiidaBooliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha loogu yeero Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kullankaas waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta illaalinta Xeebaha dalka.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka illaalinta Xeebaha ee Wasaaradda Amniga Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah leedahay  ilaalinta Xeebaha dalka.