Doon ganacsi oo ku gubaneysa Dekadda Boosaaso

Doon u raran Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku gubaneysa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari iyada oo ay socdaan gurmad lagu bad baadinayo.

Ilaa hadda lama garanayo waxa sababay Dabka qabsaday Doontan ku xiran Dekadda Boosaaso,iyada oo xilligaas uu dabka qabsanayay isu diyaarineysa in ay Dekadda ku xirato.

Doontan waxaa saaran Ganacsi kala duwan oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed waxaana qorshuhu ahaa in ay ku xirato Magaalada Boosaaso si halkaas looga dejiyo.

Maamulka Dekadda iyo Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa ku howllan hadda gurmad lagu doonayo in lagu bad baadiyo Doontaasi.