Doon raran oo ku soo caarisay xeebta Boosaaso

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaaladsa Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari doon ayaa waxa ay ku soo caarisay meel ku dhaw Xeebta Magaaladaasi.

Doontaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay u rarnayd ganacsato Somali ah, ayna ka timid dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana ay sidaa raashin iyo gawaari sida Saraakiil ka tirsan Puntland ay xaqiijiyeen.

Doonta ayaa ku dhex xumaatay badda dhaxdeeda, iyadoo xaaladeeda liidato ayeeyna soo gaartay Dakadda Magaalada Boosaaso, balse maamulka Dakadda Boosaaso ayaa diiday in Doontaan ay ku xirato dakadda, waxayna ugu dambeyn sababtay Doonta inay ku caariso aaga Nekfish, halka loo yaqaan.

Doonta iyo agabka saaran ayaa la soo warinayaa in xaalad culus ay ku jireen intii ay ku soo socdeen badda dhexdeeda.

Maamulka Dakadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari wali kama aysan hadlin arintaan ku saabsan doontaan soo caarisay.