Doontii Kusoo caarisay magaalada Boosaaso oo lagu guuleystay in rarka laga dejiy

Boosaaso–GNNFM- Waxaa maanta lagu guuleystay in guud ahaan rarkii laga dejiyo Doontii magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku soo caariday 5-tii bishan February, taasi oo badbaadinta rarkii saarnaa ay ka wada qeyb qaateen dhammaan Maamulka Gobolka iyo shacabka reer Boosaaso.

Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta hantida saaarnayd Doonta Sheekh Fu’aad Aflow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay badbaadinta Hantidaas.

Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekedaha Puntand ayaa isna dhankiisa sheegay isku tashigan inuu tusaale u yahay in bulshada hadii ay isku tagaan ay wax badan qabsan karaan.

Doontan oo lagu magacaabo Xafiis ayaa waxa ay u rarneyd Ganacsatada maamulka Puntland, Hantida saaran Doonta ayaa qiimaheeda waxaa lagu sheegay ku dhawaad 10-Milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa bogaadiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay howshaas, wuxuuna Madaxweynuhu amar ku siiyay Wasaaradda Maaliyada inaan laga qaadi karin hantidaas wax canshuur ah.