Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland Oo Goordhow Bilaabaneysa

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Goordhow ka bilaaban doonta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamaya ilaa shan musharax,kuwaasi oo ku sugan Hoolka Doorashada ay ka bilaaban doonto,waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Sidoo kale hoolka Doorashada ayaa waxaa ku wada sugan, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

Ammaanka goobta doorashadu ka dhaceysa ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana waxaa si Wadajir ah u sugaya Ciidamada nabadgalyada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Midowa Afrika ee Ciidamada AMISOM.