Doorashada JSP oo Billaabatay, Sheekh Aadan Madoobe oo Codkiisa Ka Dhiibtay

Musharaxa Madaxweynaha Ururka Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah codkiisa uga dhiibtay doorasho hoosaadka Ururka oo maanta si rasmi ah u billaabatay.

Doorashadan hoosaadka ah ee Ururka Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa lagu qabtay qaab casri ah oo onlayn ah, taas oo muujinaysa horumar dhanka nidaamka doorashooyinka gudaha ee ururka. Doorashadan ayaa ah mid muhiim ah oo lagu aas-aasayo hannaanka doorashooyinka heerar kala duwan ee ururka, gaar ahaan kuwa hoggaanka sare ee mustaqbalka dhow.

Munaasabadda codbixinta ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid si habsami leh u dhacday, iyadoo ay ka qeyb galeen xubnaha ururka ee xaqa u leh codbixinta, kuwaas oo ka kala socday deegaanada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa la sheegay in nidaamka onlaynka ah uu fududeeyay hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka doorashada.

Musharax Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay bilowga doorashada, isagoo xusay in hannaankan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda gudaha ee ururka, isla markaana lagu dhiirrigelinayo ka qeybgal ballaaran oo xubnaha ah.

Sidoo kale, doorashadan hoosaadka ah ayaa lagu tilmaamay bilowga safar siyaasadeed oo muhiim ah, kaas oo horseedi doona doorashooyin heer hoggaamineed oo dhowaan si rasmi ah uga bilaaban doona deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Ururka Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay sii xoojiyaan hufnaanta, cadaaladda iyo ka qeybgalka dimuqraadiyadeed ee gudaha ururka, si loo xaqiijiyo hoggaan ku yimaada rabitaanka xubnaha.