Doorashada koofurgalbeed Oo lashaaciyay xiliga ay dheceyso

Maanta oo ah 17 Bisha November ayay ku beegneed xilliga loo asteeyay doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed balse ay dib u dhacday walow aan lagu dhawaaqin dib u dhaca doorashada.

Sababaha ugu weyn ee dib u dhaca doorashada ayaa ah is casilaadii dhawaan ee Xubnihii ugu badnaa ee Guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo in aan weli la soo dhameystirin Xubnaha ka haray Guddigaas.

Warar haatan soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in lagu muransan yahay dhameystirka Guddiga,waxaana Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaarkood ay qabaan in Guddiga lagu koobo kaliya 15 Xubnood halka markii hore ay ahaayeen 27 Xubnood.

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in la dhameystiro Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,sidoo kalena isla Maanta ay Xildhibaanada ansixiyaan.

28 Bishaan ayaa la Go’aamiyay inay dhacdo doorashads Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin musharixiin farabadan,waxaana aad loo adkeeyay Amniga Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.