Doorashada kuriga uu baneeyey RQ Xamse Cabdi Barre oo la shaaciyey.

Guddiga KMG ah ee doorashada Kuraasta ka banana Baarlamaanka JFS ayaa shaaciyey Jadwalka doorashada kuriga tirsigiisu yahay HOP#203 kaasi oo dhowaan lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee Xarunta Caasimada ku meel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Kursiga HOP#203 ayaa 28-kii December 2021, doorasho ka dhacday Kismaayo, waxaa ku soo baxay Xamsa Cabdi Barre oo haatan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu helay 69 cod halka musharaxii la Baratamayey oo ahaa Axmed Maxamed Maxamuud helay 17 cod 15 Cod ayaana halaabay.

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Warqada Shaacinta Xiliga doorashada Kursigaan la qaban doono ayaa u qornayd sidaan.