Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo Kahdeceysa Garowe

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta lagu waddaa in lagu qabto doorashadda kursi ka banaan Golaha Shacabka,kaasoo dhawaan uu iska casilay xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Kursiggaan ayaa waxaa Iska casilay Dahar Cali Faarax ka dib markii loo Magacaabay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee qaabilsan doorashadda kursiggaan ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Garowe, waxaana ay xaliyeen Cabasho ka taagneyd doorashadda kursiggaan.

Musharaxiinta u taagan kursiggaan waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.