Doorashada Kursi Ka Banaan Golaha Shacabka Oo Maanta Dhaceysa

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kurisigaas ayaa waxaa Bishii la soo dhaafay iska casilay Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud,waxaana Maanta la filayaa inay ku tartamaan Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud taliyihii hore ee NISA iyo musharaxa kale Xiireey Muxudiin Cumar,kuwaas oo labadaba ku sugan Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxa Xukuumadda Galmudug Maamulka degmada Dhuusamareeb iyo Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in saakay uu socdo diyaar garowga doorashada,isla markaana Amaanka siweyn loo adkeeyey gaar ahaan halka la filayo in doorashada lagu qabto.

Sidoo kale dhawaan ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada kuraastii ay baneeyeen Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen CismaanXuseen iyo Khaliif Cabdulaahi oo geeriyooday,kuwaas oo doorashadooda lagu qaban doono Muqdisho iuo Baydhabo.