Doorashada Madaxweynaha KGS Oo Markii Saddexaad Dib Loo Dhigay

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la magacaabay ayaa Maanta markale shaaciyay in ay dib u dhacday waqtiga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta Bishan Decembar oo ku began Arbacada soo socota hayeeshee markale dib loo dhigay dhowr sababood oo ay soo bandhigeen Guddiga.

Doorashada ayaa waxaa lagu daray mudo 14 Maalmood ah,iyada oo loo qorsheeyay inay dhacdo 19 Bishaan.

Hoos Ka Akhriso qodobada keenay in dib loo dhigo doorashada Koonfur Galbeed.