Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa Oo Kadheceysa Garowe

Magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa lagu waddaa in ay maanta ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa maamulkaasi.

Xildhibaanada Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa maanta dooran doona hoggaanka Puntland hoggaamin doona shanta sano ee socota.

Qabanqaabaddii ugu dambeysay ee doorashadda ayaa ka socota Magaalada Garowe, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Magaalada.