Doorashada Maraykanka oo maalmo naga xigaan.

Doorashada Mareykanka, oo berri dhaceysa, waxay leedahay saameyn weyn oo caalami ah, maadaama ay tahay mid ka mid ah doorashooyinka ugu muhiimsan ee dunida. Madaxweynihii hore Donald Trump iyo Madaxweyne ku xigeenka hadda Kamala Harris ayaa ku tartamaya xilka, iyadoo taageerayaashooda ay aad u kala duwan yihiin. In ka badan 78 milyan oo ruux ayaa horey u dhiibtay codadkooda.

Saameynta doorashadan waxay gaar ahaan muuqataa dhanka siyaasadda arrimaha caalamiga ah. Musharixiinta ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladaha adag ee ka jira Qaza, Ukraine, iyo meelo kae.

Bulshada Carabta ayaa markii ugu horeysay taageero muujisay Trump, iyadoo ka soo horjeedda Harris, taasoo si cad u taageertay Israel, isla markaasna codad ku weyn karto.

Dunida ayaa isha ku heysa waxa ka soo bixi kara doorashada Mareykanka ee sida adag loogu hardamayo, iyada oo aan la saadaali karin musharaxa rasmiga ah ee ku guulleysan kara.

Dhinaca kale, Qiimaha saliidda caalamka ayaa kor u kacay in ka badan 2%, taasi oo loo sababeynayo doorashada madaxtinimada Mareykanka.