Doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo si toos ah uga socota xarunta Golaha shacabka

Waxaa goordhow bilowday doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka soconeysa xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Kulanka Baarlamaanka xaadir ah 262 xildhibaan, kuwaas oo maanta dooran doono Guddoomiye Golaha Shacabka.

Waxaa guuleysanaya musharaxii hela 50+1 Cod sida ay cadeeyeen Guddiga doorasha Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn maanta yeelan doona Guddoomiye labaad muddo labo sano gudahood, kaddib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore ee golahaas Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo sanadkii hore loo doortay xilkan.