Doorashadda Kursi ka banaan golaha shacabka oo manta lagu wado in ay kadhacdo Muqdisho

Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliyeed sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Guddiga doorashooyinka.

Buuq sababay dib u dhac ayaa ka dhashay ka kursiga maanta la qaban doono doorashadiisa, ka dib markii ay maalmo ka hor la isku dayay in lagu qabto Muqdisho.

Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa bilaabay Buuq iyo Qeylo markii ay bilaabatay doorashadda , waxaana dib loo dhigay doorashadda, iyadoona lagu waddo in ay maanta dib u bilaabato.

Kursiga ka bannaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo Musharax Faatax Saciid Xasan.

Kursiga ayaa horay waxaa uga geeriyooday Saciid Xasan Geedi.

Guddiga doorashooyinka ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay buuxinta Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in Magaalada Cadaado lagu qabto doorashadda Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.