Dowlad Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarkii xarunta Hawlwadaag

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay barkhadii lagu qaaday xarunta degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir.

  1. Weerarkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii gaari PRADO ah oo uu kaxeynayay ismiidaamiye Al Shabaab ka tirsan uu si toos u galay xarunta degmada Hawlwadaag, halkaasina uu isku qarxiyay.

Shan qof oo rayid iyo ciidan isugu jira ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 12 kale oo uu ku jiro Guddoomiye ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda degmada Hawlwadaag.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Sacuudiga uu ka soo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha, sida argagixisada iyo xagjirnimada iyo wax kasta oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii lagu qaaday xarunta degmada Hawlwadaag waxay tilmaameen inay halkaasi ku laayeen xubno ka tirsan dowladda federaalka.