Dowladda Ukraine ayaa qiratay in afar qof oo muwaasiniin u dhashay dalkaas ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, dadkaas ayaa la xaqiijiyey in weli ay nool yihiin.
4-ta qof ee Ukraine u dhashay waxay ka mid ahaayeen lix qof Shabaab u gacan gashay kadib markii diyaarad ay saaraayeen ay ku degtay deegaan lagu magacaabo Xiindheere oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.
War kooban oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Ukraine ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyey in muwaadiniinyoodii ay ku dhaceen gacanta Al-Shabaab.
Diyaaradaas oo cilad farsamo ay ku timid ku hoobatay meel u dhaw deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud, durbadiiba Al-Shabaab ayaa soo gaaray goobta.
Wiil Soomaali ah oo sarkaal ah iyo gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay Uganda ayaa ka baxsaday goobta, laakiin weli lama arag meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana loo badinayaa inay Shabaab u gacan galeen.
Arbacadii lasoo dhaafay ayuu dhacay shilkaas, welina xog lagama helin halka ay Al-Shabaab ku hayaan dadkii ajaanibta ahaa ee u gacan galay, sidoo kale weli lama oga inay gacanta ku dhigeen wiil iyo gabadhii ka soo baxsaday goobta markii ay degtay diyaaraddu.