Dowlada Britain Oo Sheegtay In Cunabataynta Laga Qaaday Eritrea Ay Taageerayso Nabadda Iyo Ammaanka Somalia

  • Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay ansixiyeen Qaraar Qabyo ah oo ay Dowladda Britain ku codsatay in Eritrea laga qaado Cunaqabataynta Hubka iyo Xayiraadda Hantida iyo Safarka Madaxda dalkaasi.

Cunaqabatayntaas oo la soo rogay sanadkii 2009-kii ayaa gebi ahaan la wada laalay, sida lagu shaaciyo Kulankii ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM xalay ku yeesheen Xaruntooda Dhexe ee New York.

Danjiraha Britain u joogta QM, Karen Elizabeth Pierce waxay Qaraarkaasi ku tilmaamtay go’aan taageeraya xaqiijinta Nabadda iyo Ammaanka Somalia.

Dhinaca kale, Danjiraha Raashiya u jooga Xarunta QM waxa uu isagana ku sifeeyey Qaraarkaasi mid gacan ka geysan kara wanaajinta Xiriirka Dalalka ku yaalla Mandiqada Geeska Afrika.

Eritrea waxay ka xorowday Ethiopia sanadkii 1993-kii, waxaana labadaa Waddan dhex maray dagaal lagu riiqmay.