Dowlada Ingiriiska oo Noqotey Dalkii Ugu Horeeyay Ee Tageeray Hishiiska Dowlada Dhexe iyo Somaliland….

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee haatan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga billowday dalka Jamuuriyadda Jabuuti, si dib loogu amaba qaado dadaalladii hore u socday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horreyntee lagu soo dhaweeyay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka ay labada dhinc ku yeesheen dalka Jabuuti, iskuna arkeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ingiriisku uu soo dhawaynayo heshiiska haatan laga gaaray sii amba qaadida wada-hadallada labada dhinac, iyada oo UK ay ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo xaga dib u heshiisiinta loo qaaday.

UK ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay wada-hadallada dib u billowday ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay horay dalkeeda uga dhaceen shirarkii hore ee wada-hadallada ku saabsan dowladda federaalka iyo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti oo ka kooban 8 qodob ayaa waxaa lagu go’aamiyey in mar kale dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Waxaa kale oo bayaana lagu yiri “In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado”.