Dowladda Boqotooyada Ingiriiska ayaa malaayiin dollar ugu yaboohday Soomaaliya, si wax looga qabto arimaha bani’aadanimada, waxaa sidaas sheegay xafiiska arrimaha dibadda, barwaaqo-sooranka iyo horumarinta (FCDO), kaas oo UK u qaabilsan horumarinta dibadda.
Xafiiska ayaa sheegay in 9 milyan oo dollar ay ku biirin doonaa mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika kaasoo ay fuliye ka tahay hay’adda SoDMA ee Soomaaliya.
“Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) oo Dawladda UK u qaabilsan horumarinta dibadda ayaa Soomaaliya ugu yaboohay qaddar dhaqaale oo dhan $9 Million oo dollar oo lugu biirin doono mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika kaasoo hay’adda SoDMA fuliye ka tahay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Guddoomiyahay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka hadlay taageerada dhaqaale ee UK ayaa u mahadceliyay, wuxuuna sheegay inay kasoo aaday xilli aad loogu baahnaa.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ingiriiska uu kamid ah dalalka waa weyn ee sida hagar la’aanta u garab istaaga dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeeda.
Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 10 Mudane, ayaa waxa ay kala yihii:- 1-Senator Cabdullahi Xirsi Timacadde 2-Xildhibaan Sahro Cabdullahi Cigaal 3-Xildhibaan Cabdullahi Xasan Rooble 4-Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir 5-Xildhibaan Cabdullahi Warsame Bidhaan 6-Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Kayse 7-Xildhibaan Cabdullahi Ibraahim Warsame 8-Xildhibaan Farxiyo Yuusuf Cumar 9-Xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Maxamed 10-Senator Samiiro Xaaji Maxamed.
Xubnaha laga soo doorto SSC-Khaatuma ayaa danjire Michael Nithavrianakis ku eedeeyayinuu faragelin ku hayo arrimaha SSC, uuna kasoo horjeedo rabitaanka dadkeeda.
Mudanayaasha soo saaray qoraalkan cabashada ah waxa ay tilmaameen in safiirku si gaar ah u bartilmaameedsanayo deegaanadooda, uuna taageerayo Somaliland, sidoo kale uu ixtiraami waayey diblumaasiyadda iyo xeerarka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen inuu xad-gudub sameeyay, uuna ixtiraami waayay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, maadaama SSC ay kamid tahay dowladda dhexe.