Dowlada Itoobiya oo 80 Milyan ku maalgashaneysa Dekeda Berbera

Wafdigii Xukuumadda Somaliland u soo saxiixay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee shalay ka dhacay Imaaraadka ayaa maanta dib ugu laabtaY magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Shalay heshiis Saddex geesood ah waxaa wada galay DP World, Somaliland iyo Itoobiy, waxay yeelaneysaa DP World maalgashiga Dekedda weyn ee Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%, Itoobiya oo DP World u aqoonsatay saaxiib dhinaca Istiraatiijiyadda ah ay siisay 19%, iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah Dekedda Berbera.

Dr. Saciid Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay Itoobiya in 80 Milyan oo Dollar ku maalgashaneyso Dekeda Berbera.

Sidoo kale Wasiirka Arriimaha DIbadda Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska u dhaxeeya Iyoobiya, Somaliland iyo DP-world, wuxuuna tilmaamay in mashaariicda dhammaan la bilabayo sanadkan.

Shacabka Soomaaliland ayaa horey Madaxdooda ugu eedeeyay in ay ku fashilmeen Hoggaaminta iyo u adeecsanaanta shacabka, waxaana ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan heshiisyada lala galaayo shirkadaha ajaanibta ah.