Dowlada Jabuuti oo dadkeeda kasoo daad gureyneysa dawlad deegaanka somaalida itoobiya

Dalka Jabuuti ayaa magaalada Diridhabo ka soo daad guraysay ugu yaraan labo boqol oo ruux oo dalxiis u joogay magaalada Diridhabo sidda ay shaacisay Warbaahinta dowladda.

Jabuuti ayaa dadkaas u dirtay diyaarado khaas ah.

Arrintan ayaa timid ka dib markii rabashada Diridhaba ka socda lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah.

Rabshadaha Diridhabo ayaa ku salaysan qowmiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa shalay Amray in si deg deg ah Muwaadiniinta Jabuuti loo soo daabulo.

Xaalad Ammaan daro ayaa wali ka jirta Magaalooyinka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.