Dowlada Jabuuti oo sheegtay in Ay kaxuntahay hadal kasoo yeeray madaxweynaha somaaliya oo ah in cunaqabateynta laga qaado Xukuumada Asmara

Dowladda jabuuti ayaa War kasoo saartay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo kasoo ahaa in dowladda Eretria laga qaado Cunaqabateynta Saaran.

War kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in arintaasi ay ka walaacsan yihiin Shacabka iyo Madaxda dowladda Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in tahay nasiib daro weyn in Madaxweyne Farmaajo ku baaqo in laga qaado Cunaqabateynta Hubka Xukuumadda Asmara iyadoo ay xusid mudan tahay in wali xukuumadda Asmara ay sii waddo taageeradda Al-Shabaab iyo dagaalka xuduuda ee ka dhanka ah dowlada Jabuuti.

Warkaan oo la sheegay in uu kasoo baxay Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Jabuuti ay ka shaqeeyaan Nabadeynta Soomaaliya ayna sii wadi doonaan, islamarkaana ay muhiim tahay in la xasuusto geesiyeyaashii Jabuuti uga dhintay dagaalkii Erateria.

Hadalkaan ayaa soo baxay ka dib markii Maanta uu Muqdisho ka dhoofay Safiirka dowladda Jabuuti u jooggay Muqdisho.

SHARE