Dowlada Jarmalka oo Soomaaliya ka taageeraya waxbarashada

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taagreyso waxbarashada gaar ahaan waaxda farsamada iyo xirfadaha lagu shaqeysto maadama bay tiri Soomaaliya ay tahay dal iminka kasoo kabanaayo dagaallo sukeeye oo la dagay hanaanka waxbarashada.

Jarmalka ayaa sheegay in ay ku kalsoonyihiin in kaalmadooda dhanka waxbarashada gaar ahaan xirfadaha lagu shaqeysto ay ka qeyb qaadan doonto soo kabashada Soomaaliya dhan dhaqaalle iyo dhan waxbarashaba.

“Dowladda Jarmalka iyo dadkeeduba waxay ku barwaaqeysteen oo ay ka faaii’deen tababarada xirfadaha lagu shaqeysto sidaas si lamid ah ayaana soomaaliya filaynaa in ay faa’iido wax ku awl ah ay u noqonto” ayuu sheegay safiirka Jarmalka u fadhiya Muqdisho Mrs Annet Gunther.

Taageerada tababarada Jarmalka ay ku taageerayaan ayaa lagu sheegay in ay gaarayso 5 Million sidaas si lamid ahna midowga Yurub ayaa garwaaqsaday in uu 8 Million ku daro si Soomaali badan loogu tababaro.

Jarmalka ayaa qorshaha laga leeyahay tababarada xirfadaha lagu shaqeysto oo ay Soomaalida u sameynayaan ku micneeyay in ay wax badan ka badeli doonto hab nololeedka Soomaali badan oo aan fursad u helin in ay waxbartaan dagaalada sukeeye awgood waxa ayna sheegeen in tababaradaan si gaar ah ahmiyad loogu siin doono Haweenka Soomaalida oo iyagu badi aanan helin fursado markii ay timaado shaqooyinka.