Dowlada Kenya Oo Beenisay Inay Ciiddankooda Ku Lug Leeyihiin Ganacsiga Dhuxusha laga dhoofiyo soomaaliya

Kooxda Baarayaasha QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Golaha Ammaanka ee QM waxay dhowr jeer ka digeen lugta ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Ganacsiga sharci-darradda ee dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalka Kenya, Raychelle Omamo waxay u sheegtay Kooxda ilaaladda ku haysa dadaalka Nabadda Somalia inay ku eedeeyeen Ciiddanka AM,ISOM arrintaasi, waxayna ku baaqday in ay joojiyaan “Far-muuqista Eedeymaha ay u jeediyaan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Waxay kaloo kadigtay in ay Eedeyntaasi wax u dhimi karto Mooraalka Ciiddanka Afrikaanka ee qeybta ka ah La-dagaalanka Alshabaab iyo soo-celinta Nabadda Somalia, waa sida ay hadalak u tiri.

Bishii November ee sannadkii hore, Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eritrea waxay soo saareen Warbixin muujisay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM  ku lug leeyihiin Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Buur-goobo ee Jubbooyinka.