Kenya ayaa ku boorrisay Qaramada Midoobay in ay maal-galiso howlgalka la-dagaallanka Al-Shabaab ee ka jira Soomaaliya, iyagoo ku doodaysa in tani ay joojinayso Ciidanka Soomaalida iyo Ciidanka Kenya ay helaan awood ay kaga adkaan karaan Shabaab.
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Ababu Namwamba ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo khidmooyinka maaliyadeed ee soo gala Kooxaha Argixisadda ah, taasoo badalkeena Qaramada Midoobey looga baahana yahay in ay taageero dhaqaallo ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Waxaan u baahan in aan ogaano in ay muhiim tahay Xaaladda Soomaliya maanta ay ku sugan iyo awoodeeda dhanka Ciidanka ah, Markaan Qaramada Midoobey waa in ay taageero ay siisaan Soomaaliya si loo helo dadaallo lagu dagallamaayo Argagixisadda” ayuu yiri Ababu Namwamba .
Waxaa uu aad u dhaliilay howlgalka AMISOM oo uu sheegay in uu ka gaabiyay shaqooyinkii loogu tala galay, islamarkaana ay ka fiirsanayaan Ciidanka AMISOM dhaqaallaha ay helaan taas badalkeed ay gabeen dagaalka Al-Shabaab.