Dowlada Kenya oo ka digtay Weeraro ay geystaan Shabaab

Hay’adda Ammaanka dalka Kenya ayaa digay Weeraro Argagixiso oo ay geystaan Al-Shabaab kuwaa soo ka dhaca Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya.

Kenya waxa ay sheegtay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay ka hortaggeen Weeraro badan ka dib markii ay xog badan soo Gudbiyen Hay’addaha Ammaanka.

Dowladda  ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale Magaalada Mandera oo xuduud la leh Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya.

Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Magaalo xeebeedyada dalka Kenya.

Sarkaal Sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin Weeraro ka yimaada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya Weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.