Dowlada Kenya Oo Kahadashay doorashada Jubbland

Dowladda Kenay ayaa shaacisay walaaca ay ka qabto dalabayada kala duwan oo Beesha Calamka kasoo gaaraya doorashada Jubbaland iyo shuruudaha isdaba-jooga ah oo ay farayaan guddiga doorashooyinka in kastoo doorashada loo gacal geliyay Baarlamaanka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka aysan u dhameyn qoraalkii horay uga soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya james swan ee la xiriiray Arrimaha doorashada Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya qoraalkeeda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya aan wax laga weeydiin talada Beesha Caalaamka  marka laga reebo dalka Itoobiya oo Wakiilka Qaramada Midoobey uu nuqul ka mid ah u diray Safaaradda Itoobiya.

Qoraalkooda oo aad u dheeraa loona diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda ayaa loogu baaqay  QM  iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka inay ku taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorashada  loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay.