Dowlada Kenya oo laga dalbaday inay Qaxootiga u ogolaato inay si xor ah u ganacsadaan

Qaramada Midoobay ayaa Xukuumadda Kenya ka dalbaday iney u ogolaato Qaxootiga dalkeeda ku sugan dhaqdhaqaaqa xorta ah oo awood u siinaya iney ganacsi ka sameeyaan dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb. Maxamed Affey ayaa sheegay in xorriyadda awood buuxda siin doonto dadka magan-galyo doonka ah.

Mr. Affey wuxuu sheegay in Qaxootiga loo arkayay iney culeys ku yihiin wadadamada martida loo yahay, hase yeeshee wuxuu dhanka kale tilmaamay iney faa’ido yeellan karaan haddii xoriyad la siiyo.

“Qoxootiga waa raasu-maal meel kasta oo ay joogaan, in lagu darana horumarinta dhaqaalaha waa mid ka mid ah xalalka,” Ayuu yiri Affey.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey munaasabad lagu xusayay maalinta Qaxootiga Aduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kenya ayuu sheegay iney martigelisay Qaxooti fara badan oo kala yimid wadamada deriska la ah Kenya sida Soomaaliya, Burundi iyo Koonfurta Suudaan, kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay colaado sokeeye, Amnidaro iyo isku dhacyo hubeysan.

Ugu danbeyntii Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Patrick Ntutu ayaa u sheegay qaxootiga inay u hoggaansamaan sharciyada Kenya ee nabadda ee Bulshada martida loo yahay.