Dowlada kenya Oo masuuliyiin Maxakamadeed uxirtay Musuq Maasuq

Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa lagu soo oogay eedo musuqmaasuq. Philomena Mwilu waa sarkaalkii ugu sarreeyey ee dawladda ka tirsan ee ololaha musuqmaasuq la dagaalanka ah ee uu wado dacwad oogaha guud ee cusubi uu gaadhay.

Waxa laga qabtay xarunta Maxkamadda Sare gelinkii dambe ee Salaasadii, hase yeeshee waxa saacado ka dib lagu sii daayey damaanad lacageed.

Haweenaydan ah qofka labaad ee ugu sareeya garsoorka Kenya ayaa haatan waxa lagu soo oogay eedo falal dambiyeed ah. Waxaana ka mid ah in ay xurmada xafiiskeeda u adeegsatay dano shakhsi oo ay lacag hadyad ah qaadatay iyo sidoo kale in aanay cashuurta bixinin.

Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji, ayaa sheegay in go’aankaasi aanu ahayn mid lagu degdegay. Waxaanu ganafka ku dhuftay eedo ah in dacwadaha gudoomiye ku xigeenka lagu soo oogay yihiin kuwo siyaasadaysan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa markii Maxkamadda Sare burisay guushiisii doorashadii sannadkii hore dalka ka dhacday ee aadka loogu murmay, waxa uu ku hanjabay inuu garsoorka wax ka bedeli doono. Nin kaaliye u ahaa Philomena Mwilu ayaa isna markii xiisaddaasi jirtay la toogtay lamana garan waxa kalifay shilkaa waagaas.