Dowlada kenya oo shaacisay Magacyadda Raggii Weeraray Macalimiinta Kenyanka ah

Dowladda Kenya ayaa shaacisay Magacyadda raggii ka dambeeyay weerarkii Macaliinta lagu laayay ee ka dhacay jimcihii  Iskuul ku yaalla Magaalada Gaarisa halkaas oo lagu dilay saddex Macalin.

Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen Baaritaano ay sameeyeen in kala ahaayeen raggii weeraray Macaliinta Maalim Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman.

Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha amniga Gobolka waqooyi Bari ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku daba jirraan raggaasi, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonta.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu hoggaaminaayo Macallin Cabdullahi kaas oo uu sheegay in uu ka soo jeedo degaanka  Bojigaras,isaga oo xusay in uu yahay Xaasle saddex carruur ah leh.

Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro nuucaan oo kale ah waxa ay ka geysteen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen Macalimiin, kuwo kalena ay ku afduubteen