Dowlada Kenya Oo Sheegtay in ay 13 Dhalinyaro Kenyaan ah Al-Shabaab ay ka soo furteen

Ciidanka Millitariga dalka Kenya ayaa ururka Al-shabaab ka soo furtay 13 Dhalinyaro Kenyan ah oo Tababaro ay ku siinayeen degaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhalinyaradan oo markii horeba ka tagay dalka Kenya ayaa xiriir la soo sameeyay Cidanka Millitariga dalka Kenya ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana raggan ugu dambeyn loo duuliyay Gobolka Xeebta ee Kenya.

Raggan oo Da’dooda ay u dhaxeysay 18 ilaa 34 ayaa ururka Al-shabaab waxay Tababaro ku siinayeen degaanka Raas Kambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Milindi ayaa sheegay dhalinyaradan in loo kala duuliyay waalidoontooda oo ku kala sugan degaano ka kala tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

“Laamaha ammaanka ayaa xog wareysi ka qaadaya Dhalinyarada, sidoo kale waxay ogaanayaan talo bixinta la siin karo, tiro badan oo Dhalinyaro ah kuna biiray Shabaab ayaa dalka dib ugu soo laabanaya, waxaan balan qaadeynaa inaan waxba la yeeli doonin Dhalinyaradan.” Ayuu yiri Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Kenya.

Dhalinyaradan ayaa waxa ay sheegeen Soomaaliya in ay ka soo galeen degaanka Kayunga, iyaga oo isticmaalayay Doomo, hami dhaqaalana markii hore la galiyay, kadibna ay ku adkaatay Tababaro culus oo Shabaab ay siinayeen.