Dowlada Kenya oo sheegtay in ay dishay xubno Shabaab ka tirsan

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay Ciidamada Kenya in Arbacadii ay dileen Saddex ka mid ah Dagaalyahanada Al-Shabaab intii lagu jiray hawlgal amni xaqiijin ah oo ka dhacay keynta Boni ee ku yaal gobolka xeebta Lamu.

Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya David Obonyo ayaa sheegay in ciidamadii ku sugnaa halkaasi in ay la kulmeen weerar gaadmo ah oo uu sheegay in ay soo qaadeen xubno ka tirsan Shabaab, balse Ciidamada ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday.

Wuxuu kaloo sheegay Ciidamada oo ka jawaabaya weerarkaasi in ay qaadeen Dagaal kooban oo qorsheysan oo ka dhacay keynta Bonni, halkaasina ay ku dileen ilaa Saddex Dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab.

“Intii lagu guda jiray hawlgalka, Saddex Al-Shabaab ah ayaa lagu diley, ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray Ciidamada KDF iyo dadka shacabka ah, Askartu waxay soo celiyeen Saddex qori AK, iyo Sahnad Millitari.” Ayuu yiri yiri Obonyo.

Booliska iyo Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ka soo qaxaya Koonfurta Soomaaliya ay ku sii jeedaan tuulada Lakta ee u dhow keynta Bonni, waxayna tilmaameen in ay doonayaan weeraro ay geystaan, balse Ciidamada ay ka hortagayaan.