Dowlada Kenya Oo Sheegtay in Ay jawaab deg deg ah kabixineyso yo weerarkii Libooyo

Ciidamada Militariga iyo Booliska Kenya, ayaa weli waxay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Gaarisa, kadib markii shalay Ciidanka Kenya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee GSU qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Magaalada Gaarisa iyo Degaanka Libooyo.

Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Harar oo u dhaw soohdinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay Shan sarkaal, halka Saddex kalena ay ku jiraan xaalad halis ah, kuwaasi oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka la dagaallanka Argagixisada Kenya.

Ciidanka ammaanka Kenya ayaa waxa ay baadigoob ugu jiraan raggii shalay weerarka geystay ee ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxayna Hay’adaha ammaanka amreen in jawaab deg deg ah laga bixiyo weerarkii lagu dilay saraakiisha.

Hawlgalka ka soconaya Magaalada Gaarisa, ayaa saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka, iyadoo hakad muuqdo uu ku yimid hawlihii gaadiidka dadweynaha.

Xoogaga Ururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa waxa ay tilmaameen in ay ku dileen 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, waxayna tilmaameen in ay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan Kenya.