Dowlada Kenya oo sheegtay in ay qabatay Bariis dhacay oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed

Ciidamada Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Raashin dhacay oo la sheegay in ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

Booliska waxa ay sheegeen in ganacsatadda Soomaaliyeed ay waqtiga ka badaleen Bariis ka dib markii ay arkeen in uu dhacaayo.

Waxaa ay sheegeen  Loorarka Bariiska ku qornaa inuu dhacayo bisha September ee sanadkii hore ee 2017-ka, balse ay Ganacsatada u bedeleen inuu dhici doono bisha September ee sanadkan 2018-ka.

Ganacsatadda Soomaaliyed ayaa la sheegay in Bakhaaro ay ku leeyihiin Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

“Waxaan gacanta ku dhignay Bariis dhacay oo la doonaayay in lagu qaldo Shacabka, waxaana Waaxda Baarista ay inoo sheegeen in ay leeyihiin Ganacsato Soomaliyeed ” Sidaasi waxaa yiri taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Mombasa.