Dowlada Kenya Oo Sheegtay Inay QM U Gudbiyeen Dacwad Ka Dhan Ah Somalia.

 

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo kan Midowga Afrika u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Waxay kaloo sheegtay inay Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo Gobalka Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika u gudbiyeen khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin.

“Waxaan warbixin kooban ka siinay xaalladda u dhexeysa Kenya iyo Somalia, si ay faragelin ugu soo sameeyeaan xiisadda ka dhex taagan labada Waddan” ayey tiri Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma.

Waxay kaloo sheegtay inay Kulanka ay Danjirayaasha  u qabatay jimcihi la soo dhaafay ay ka mid yihiin Madaxa Ergadda Britain u joogta Kenya, Nik Hayley iyo Danjiraha Faransiiska u joogta Kenya, Aline Kuster Menager.

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma waxay shalay sheegtay inay Wasaaradeeda furtay Wada-xaajood si loo helo xal-saaxiibtinimo oo ku aadan muranka Xuduud-baddeedka ee dhawaan khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladaha Kenya iyo Somalia.

Waxayna carrabka ku dhufatay in murankaasi lagu xalin  karo Wada-xaajood, waxayna rajo ka bixisay inay xal u heli doonaan  murankaasi u dhexeeya Kenya iyo walaalaheenna albaabka nagu xi