Dowlada Kenya Oo Soo Fara-Gelisay Xiisadda Ka Taagan Dastuurka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka difaaca ee dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo soo farogeliyay arrintan ayaa caleema saarkii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ka sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dastuurka, si looga gudbo caqabada haatan ka jira gudaha dalka.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xilligii ololaha doorashada uu si dhow ula socday khudbadaha ay jeediyeen musharrixiinta, ayna dhamaantood ballan qaadeen dhameystirka dastuurka, isaga oo haatan su’aal ka keenay sababaha ku diidan yihiin in wax laga beddelo.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo midnimada.