Dowlada Kenya sheegtay in Ay bilaabeyso qorshe ay dhalinyarada kaga wacyi gelineyso Xagjir nimada

Laamaha ammaanka dalka Kenya oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka ka shaqeeya ayaa bilaabay qorshe cusub oo dhalinyarada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku nool ay kaga wacyi gelinayaan ku biirida Ururka Al Shabaab.

Hay’adaha ammaanka ayaa si gaar ah u beegsanaya dhalinyarada si ay uga dhaadhiciyaan sidii aysan ugu biiri laheyn Al Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaatooyin badan ku hayaan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Shir ka furmay gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga dalka Kenya ayaa dhalinyarada looga wacyi gelinayaa ku biirista Al Shabaab, wuxuuna shirkan soconayaa muddo Saddex maalmood ah.

Dhalinyarada ka qeyb galeysa wacyi gelinta ay wadaan laamaha ammaanka Kenya ayaa waxa ay sheegeen inay aaminsan yihiin in la gaaray xilligii ciidanka Kenya lagala shaqeyn lahaa dagaalka Shabaab.

“Waxaan ka koobanahay dhalinyaro kala duwan oo ka kala yimid degaano ka kala tirsan gobolkan, waxaan iska kaashanaynaa sidii aan uga hortagi laheyn falalka ammaanka ka baxsan ee ka dhaca gobolkan, Al Shabaab halkan waxa ay ku yeesheen saameyn, waxaan dooneynaa inaanu kala saarno dhalinyarada aamisan fikirka Shabaab iyo dhalinyarada caadiga ah”. Ayay tiri Khadiija Cali oo mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Dhalinyaro boqolaal ah oo reer Kenya ah ayaa horey ugu biiray Ururka Al Shabaab, inkastoo dowladda Kenya ay ku yaboohday cafis, hadana ma cadda waxtarka barnaamijkaas iyo sida dadka loogu baaqay ay uga faa’ideysanayaan.