Dowlada Koonfur Afrika oo musaafurineysa dadka Ajaanibta ah

Dowladda Koonfur Afrika ayaa bilaabeyso inay dalkeeda ka musaafuriso dadka Ajaanibta ah ee Shaqooyinka kala duwan ka haaya dalkaas.

Dadka la musaafurinayo ayaa badankood ah dadka aan heysan sharciga,kuwaas oo dhawaan lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magalada Johannesburg.

Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la horgeeyay in ka badan 200 oo ruux,kuwaas oo sharci la’aan ku joogay dalkaas,waxaana Maxkamada ay xkuntay in dalkooda dib loogu celiyay,waxaana badi dadkaasi ay u dhasheen dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka Ajaanibta ah ee ku nool dalka Koonfur Afrika,hayeeshee weli lama sheegin in dadka la musaafurinayo inay Soomaali ku jiraan.