Dowlada Malaysia oo sheegtay in ay siidaysay Anwar Ibrahim

Dowladda Malaysia, ayaa shaacisay in ay xabsiga ka siideysay Siyaasiga Caanka ah ee lagu Magacaabo Anwar Ibrahim,arrintaas oo wadada u xaaraysa in uu ku soo laabto siyaasadda Malaysia.

Mahathir Maxamed Ra’iisulwasaaraha cusub ayaa cafiska u fidiyay Anwar subaxnimadii Arbacada.

Mar ayaa loo arkayay hogaamiyaha mustaqbalka, waxaana loo xiray wax isdabomarin iyo dambiyo kale, ka dib markii ay maamulka is qabteen

Mahathir ayaa ballaanqaaday in uu labo sano gudahood xilka uga dagi doono si uu waddada ugu xaaro in Anwar uu noqdo ra’iisulwasaare.

Siyaasigan ayaa markii labaad la xiray saddex sano ka hor isaga oo ku tilmaamay in lagu oogay dacwad gacan ku rimis ah.

Afar sano ayuu hoggaaminay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Malaysia, kaas oo hadda taladii kala wareegay xisbigii talada hayay, waana markii koobaad ee arrintaasi dhacdo taariikhda dalkaas.