Dowlada Maraykanka Oo Ku Baaqay In Dalka Iiraan Lagu Soo Rogo Cunaqabatayn Cusub

Mike Pompeo ayaa hadalkaasi ka sheegay dalka Sacuudiga oo uu haatan booqanayo, wuxuuna sheegay inuu Madaxda Sacuudiga kala tashanayo qorshahaasi.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo dhowr maalmood ka hor loo magacaabay Xilkaasi, waxaa la filayaa inuu maanta la kulmo Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha, Maxamed Salmaan.

Dhinaca kale, Mike Pompeo waxaa la filayaa inuu booqasho ku tago Israel iyo Urdun, isago oMadaxda dalalkaasi kala hadli doona Xaalladihi iugu dambeeyey ee Bariga Dhexe iyo Khatarta Iiraan.