Dowlada Maraykanka Oo sheegtay in ay dileen 5 Shabaab ah

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa sheegay Duqeyn ka dhacday gelinkii dambe ee Axadii ina dhaaftay meel u dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud in ay ku dileen Shan Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Mareykanka wuxuu sheegay Duqeyntaasi oo dhacday 1-dii bishan in lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa ururka Al-shabaab, aysana jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray weerarkaasi.

“Waxaan xaqiijineynaa inaanan rayid ku dilin weerarkan, Shan Argagixisada ka tirsanaa ayaan dilnay, Ciidamada Mareykanka waxay diyaar u yihiin in Ciidanka Qaranka ay ka caawiyaan sidii ay dalka uga saari lahaayeen xoogaga urura Al-shabaab.” Ayuu yiri Afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka ee (AFRICOM).

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono talaabooyinka la xiriira Duqeymaha ay fulinayaan ee horey loo ansixiyay, si loo ilaaliyo ammaanka Muwaadiniinta Mareykanka iyo in la joojiyo khataraha Argagixisada.

Xoogaga ururka Al-Shabaab oo Duqeyntan dhankooda ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dhowr Gantaal lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, laguna dilay ilaa Saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen rag, halka mida kalena ay aheyd Haweeney.

Mareykanka ayaa sanadkii tagay 2017-kii Soomaaliya ka fuliyay wax ka badan 30 weerar waxaana ay ka badan tahay weerarradii Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya Sideeddii sano ee uu Madaxweynaha ahaa Brack Obama.