Dowlada Mareykanka Oo Joojiyey Qorshihii Turkiga Looga Iibin Lahaa Diyaaradaha Dagaalka

Waaxda Difaaca ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday Go’aankaasi oo sabab looga dhigay Tallaabadda ay Turkiga ku iibsadeen Gantaalladda lagu farsameeyo Raashiya ee Nidaamka Difaaca S400.

Qeybtii ugu horreysay Gantaalladaasi ayaana laga soo dejinayaa Saldhigga Ciiddanka Cirta eeMurteed oo ku yaalla duleedka caasimadda Turkiga ee Ankara.

Ellen Lord oo ka hoos-shaqeysa Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay Go’aanka lagu joojiyey in Turkiga laga iibiyo Barnaamijyadda Diyaaradaha F35 oo ay horey labada Waddan u kala saxiixdeen.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay sheegtay inuusan go’aankaasi caddaalad ahayn, isla markaana uu dhaawici karo xiriirka labada Waddan.

Madaxweyne Donald Trump waxa uu maalintii Talaadadii ee isbuucan sheegay inaan Turkiga loo oggolaan doonin in laga iibiyo Diyaaradaha F35, wuxuuna ka gaabsaday inuu Turkiga ku mucaarado  Gantaalladda S400 ee ay Raashiya ka iibsadeen.

Waxa kale oo uu oggolaaday qorshe cunaqabatayn cusub lagu soo rogay dalka Turkiga, taasi oo sii dhaawici karta Xiriirka labadaasi Dowladood oo ka wada tirsan Isbahaysiga Milliteri ee NATO.