Dowlada Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Saraakiil Shabaab ah

Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan xoogaga ururka Al-shabaab.

Labada xubnood ee Mareykanka uu liiska Argagixisada ku daray ayaa waxa ay kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo C/fataax Abuukar Cabdi, oo labaduba ka mid ah saraakiisha Shabaab.

Mareykanka wuxuu sheegay labadan xubnood in ay halis ku yihiin ammaanka muwaadiniinta u dhashay Mareykanka iyo kuwa Gobolka.

Wuxuu sheegay Mareykanka Axmed Iimaan inuu garab weyn ka yahay Shabaabka ku sugan gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo mararka qaar weeraro geysta.

Sidoo kale wuxuu sheegay Mareykanka C/fataax Abuukar inuu ka dambeeyay weerar 2014-kii ka dhacay magaalada Mpeketoni ee dalka Kenya, kaasi oo lagu dilay in ka badan 60 qof, oo rayid u badnaa.

Mareykanka waxa uu guud ahaan Al-Shabaab ku daray liiska Ururada uu u aqoonsan yahay Argagixisada Caalamiga ah, waxaana billowgii sanadkii hore Madaxweynaha Mareykanka uu kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waxaa ka tirsan Saraakiil badan oo qaarkood ka yimid dalka dibadiisa, halka qaar kalena ay  haystaan Baasabooro Ajaanib ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ay la kulmaayeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha dowladda Mareykanka, qaarkood waxaa lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano Shabaab ah.