Dowlada Mareykanka Oo sheegtay in ay dileen 3 Shabaab ah

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in diyaaradaheeda aan dulliyaha laheyn ay bartilmaameedsadeen fariisin xoogaga ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jillib ee Koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan ay dhacday gelinkii dambe ee Khamiistii oo bisha April ay aheyd 5.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Argagixisada Al-Shabaab meel u dhow degmada Jilib, galabnimadii Khamiistii, waxaan ku dilnay Saddex Argagixiso ah, weerarkan rayid laguma waxyeeleyn.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).

Mareykanka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkan uu ku burburiyay gaari nuuca dagaalka ah oo ku xirnaa Qoryaha culus, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay wadaan baaritaanada la xiriira magacyada ragga lagu dilay weerarkan.

Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa todobaadkan saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena lagu ciribtirayo kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka dalka.

SHARE

Facebook